Nabadoon Kuule abiiker Muudey oo kamid ah golaha odayaasha dhaqanka beesha Biimal ayaa ka hadlay dilalka soo laalaabtay ee ciidamada AMISOM u geysanayaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Makro ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Nabadoonka Kuule Abiiker oo u muuqday inuu ka carooday falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Marko ayaa sheegay in ciidamada AMISOM loo keenay dalka Soomaaliya iney nabad dhaliyaan oo aan loo keenin iney colaad iyo dilal arxan daro u geystaan shacabka Soomaaliyeed.
ayaa sheegay in wax laga damqado tahay qeylo dhaanta mar walbaa kasoo yeerta shacabka ku nool magalaada Marko, isagoo AMISOM ka dalbaday iney joojiso falalka ay ka geysaneyso magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in ciidamada looga baahan yahay iney ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen haddii nabad aysan ka dhigi karin dalka Soomaaliya, halkii ay sharaf dil ku sameyn lahaayeen dalalka ay ka yimaadeen ee qeybta ka ah midowga Africa.