Dalalka Ruushka iyo Sweden ayaa Isniintii iyo Talaadadii shalay dalalkooda ka cayriyey diblumaasiyiin kasoo kala jeeda labada dal, xiisadan oo markale cirka isku shareertay ayaa timid kadib markii dowlada Sweden ay Isniintii lasoo dhaafay dalkeeda ka saartay Diblumaasi u dhashay Ruushka.
Dowlada Ruushka oo arrintan ka jawaabeysa ayaa iyaduna dalkeeda ka saartay diblumaasi u dhashay Sweden, wuxuuna Ruushka sheegay in tilaabadan ay jawaab u tahay falka cadowtinimo oo ay muujisay dowlada Sweden.
Sweden ayaa dhankeeda ku doodeysa in qaar badan oo kamid ah Diblumaasiyiinta Ruushka ee dalkeeda ku sugan ay u joogaan hawlo sirdoon, isla markaana ay qaarkood jabiyeen sharuucda diblumaasiyada ee heshiiska caalamiga ah ee loo yaqaan “Vienna Convention”.
Dalka Sweden ayaa kamid ah dalalka Scandinavian-ka ee aan xubinta ka ahayn NATO, balse dalkaasi ayaa dhawaan sheegay inuu sare u qaadayo illaalinta badiisa iyo xaduuda hawada oo ay ku eedaysay in ay dowlada Ruushka kusoo xad gudubtay, bishii Oktoober ee sanadkii lasoo dhaafay ayey isku dhici lahaayeen diyaarad sirdoonka Sweden iyo diyaarad dagaal oo uu Ruushka leeyahay.
Isla bishii Oktoober ee sanadkii hore 2014 ayey dowlada Sweden ku eedaysay Ruushka Markab nooca Gujiska ah oo yar oo la sheegay inuu soo gaaray nawaaxiga magaalada caasimada Sweden ee Stochkholm. Xiligaasi oo ay dowlada Sweden sameysay baaritaan xoogleh iyadoo adeegsaneysa maraakiib badan iyo diyaarado, wallow markabkaasi gujiska ah lasoo qaban waayey.