Madaxweynaha dawladda Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali sii wada hadalada abuuraya kala fogaanshaha maamulka Puntland iyo Xukuumad Soomaaliya, markii uu shalay simay dawladda Puntland iyo maamulada xiligan la aas aasay kuwaas oo Puntland ay aamisan tahay in qaarkood aysan waafaqsaneyn dastuurka Federaalka ah.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in looga baahan yahay Beesha Caalamka in ay ka guurto qorshihii horey caalamku wax ugu qeybin jiray Soomaaliya oo ahaa Puntland, Koonfurta, bartamah iyo Somaliland, isagoo sheegay in hada taas laga gudbay.
Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in ay siman yihiin Puntland, GALMUDUG, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, taas oo uu muujinaysa in aysan dawladda wali aqoonsanin kaalinta Puntland ee amuuraha Soomaaliya.
Waqti badan naga lumay, waayo badana na soo dhaafay, fursado badan aan soo gabnay oo ay aheyd mar hore inaan qabsano oo aan ka faa’ideysano, mar kale in aanay na gefin waqtiga inaan naga tagin oo aan ku xisaabtano, 25 sano gadaal u sii eegeynaa, meela kale gadaal u sii eegeynaa, marka aan horay u socono, aan deg degno, is qab qabsiga iyo waxyaabaha macnaha laheyn aan meel iska dhigno”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.