Odayaal caan ah oo ka soo jeeda beesha Habargidir ayaa dagaal cusub ku iclaamiyay beesha Biimaal, uguna baaqay dhammaan dadka u dhashay Habargidir meel walba oo ay caalamka kaga sugan yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaal lagu tirtiro dhamaan dadka ka soo jeeda beesha Biimaal ee gobolka Sh.Hoose.
Odayaashan oo la hadlay saxaafadda ayaa si ay uga gadaan dadkooda xasuuqa ay damacsan yihiin waxa ay been ka sheegay xaqiiqda dagaalka Sh.Hoose, waxa ayna ku andacoodeen in beesha Dir, Jubbaland, Puntland iyo Somaliland ay dagaalka ku jiraan oo ay dhinacooda la dagaalamayaan, taas oo ah iskuday ay ku doonayaan in ay ku kiciyaan dadkooda, balse xaqiiqda ay tahay in dagaalka uu u dhexeeyo beesha biimaal Nabadoon Cabdi Bile Xirsi oo ka mid ah nabadoona caanka ah ee beesha Habargidir ayaa dagaalka cusub iclaamiyay, isagoo si cad uga jeediyay dhamaan dadka ku abtirsada beeshiisa ee ku sugan gobolada, Muqdisho ama ku sugan dibadda, hadii ay ahaan lahaayeen siyaasiyiin iyo ciidanba in ay ka qeyb qaataan duulaanka cusub