Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaakliya Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna Caasimadda Maamulka Koofur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa Safar dhulka ah ku tagaya Magaalada Baraawe,waxaana uu ka soo kicitimaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Inkastoo aan la ogeyn Booqashada Madaxweynaha Koofur Galbeed uu ku tagayo Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in uu la kulmi doono Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada si uu kala hadlo Xaalada Amaan ee Degmada.
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa Maalmihii la soo dhaafay Booqasho ku tagay Degmooyinka Qansaxdheeere iyo Bardaale oo ka wada tirsan Gobolka Baay.
Booqashada Baraawe uu ku tagayo ayaa ah tii Labaad oo uu Degmada ku tago tan iyo Markii uu noqday Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.