Xiisad siyaasadeed oo cusub ayaa ka jirta magaalada Muqdisho kadib markii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay gudbiyeen mooshin ay ku dalbanayaan in madaxweynuhu xilka ka dago.
Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa shaaca ka qaaday in tirada xildhibaannada mooshinka gudbiyey ay kor u dhaafeen kuwii sharciga u baahnaa, balse uusan shaaca ka qaadi karin tirada rasmiga ah.
Xildhibaannada mooshinka wada oo uu ka mid yahay C/llaahi Jaamac Xuseen, ayaa madaxweynaha ku eedeynaya inuu xilka gudan wayaey loona baahan yahay inuu ka dego. Waxa uu ku dooday in xildhibaanada ay mas’uul ka yihiin shacabka, haddii dalka ay wax ku xumaadaanna ay xaq u lee yihiin inay madaxweynaha la xisaabtamaan.
Dhinaca kale, xildhibaano kale oo taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha uu yahay mid aan dastuuri ahayn, islamarkaana sharciga dalka uu dhigayo in madaxweynaha aan mooshin laga keeni karin, balse lagu sameyn karo xil ka xayuubin (Impeachment).Cali Yuusuf Cismaan Cali Ganay oo ka mid ah xildhibaanadan, ayaa wareysi uu siiyey idaacadda VOA-da waxa uu ku sheegay in mooshinkan uu yahay mid ay ka dambeeyaan kooxo ajnabi ah, oo aanu ku iman rabitaanka xildhibaannada