Bangkok Ugu yaraan 27 Ruux ayaa ku dhimatay, 78 kalena dhaawac Culus ayaa soo ka gaaray Qarax Ismiidaamin ahaa oo Caawa ka dhacay Magaalada Bangkok ee Caasimada Dalka Thailand.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka meel u dhow mowlaca Erawan ee Bartamaha Magaalada Bangkok.
Booliska Dalka Thailand ayaa sheegaya in Qaraxa loo adeegsaday mooto lagu soo xiray walxaha qarxa taasi oo isku miidaamisay nawaaxiga mowlaca Erawan waxaana la sheegayaa in xubanaha jirka Dadkii dhintay ay daadsan yihin halkaasi.
Ilaa iyo hada ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxan Caawa ka dhacay bartamaha Magaalada Bangkok ee Caasimada Dalka Thailand