Cabdi Maxamed waxa uu noqonayaa wiilkii ugu horeeyay oo Somaliyeed oo dhameysta tababarka Ciidamada Marines-ka Mareykanka, gaar ahaan jaaliyadda Somaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Arizona.
Cabdi Maxamed oo 19 sano jir ah, ayaa tababarkan waxa uu ku dhameystay Saldhig Ciidamada Marines-ka ku lee yihiin Magaalada San Diego Ee Gobolka California.
Munaasabad loo qabtay Ciidamada Marines-ka ee tababarkan dhameystay, ayaa waxaa kala qaybgalay qoysaska iyo ehelada Ciidamada. Waxaana Cabdi munaasabadaasi kala qaybgalay qoyskiisa.
Qoyska Cabdi oo sawiro la galeen wiilkooda, ayaa waxaa ka muuqanaysay sida ay ugu faraxsan yihiin in tababar heerkani oo kala ah uu ku dhameysto dalka Mareykanka.
Muddooyinkan dambe, ayaa waxaa soo badanaayay dhalinta Somaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, isla-markaana isku diiwaangelinaaya qaybaha kala gedisan ee Ciidamada Mareykanka, si ay kaga mid noqdaan.