Golaha wadatashiga beesha biimaal
Wadatashi iyo shirar badan oo sosocday mudo 11 bilood ah ayaa waxa kasobaxay inladhiso gole wadatashi taas oo ay yagleleen culimada duubabka dhaqanka iyo odayaasha beesha biimaal marjicoduna culimada iyo duubabka dhaqanka………
Sababaha loo aas aasay golaha wadatashiga beesha biimaal
Kadib markii aan aragnay isku xernaan la’aanta iyo cadaalad darrada ee hogaan beeshadhanka siyaasada , waxan go’aan sanay in lasameeyo gole wadatashi . Kadib markii aan aragnay in ay jirto habacsanaan iyo qobqobnaan siyaasadeed ,Dhaqaale iyo mid bulshaba beesha dhexdeeda taas oo horseedi karta in ay faraha kabaxdo guushii lagaaray waxan go’aan sanay in lasameeyo gole wadatashi oo Magacooduna yahay golaha wadatashiga beesha biimaal
UJEEDADA loo sameyay golaha wadatashiga
In lahelo isku xernaan iyo cadaalad beesha dhexdeeda waa ahmiyada koowaad. In lasameeyo hogaan lisku raacsanyahay oo loo wada dhanyahay si looga baxo Kalatagsanaanta iyo is jiid jiidka beesha dhexdeeda si lohelo awood dhamestiran.. in lagaaro sinaan siyaasadeed iyo daacadnimo ku saleeysan wax qeybsiga beesha In lahelo wadajir bulshadeed si loo gaaro isku duubnaan awood iyo dhaqaalaba . . in lahelo wadajir bulshadeed si loo gaaro isku duubnaan awood iyo dhaqaalaba ….
Baaq
Waxan ugu baaqeenaa bulshaweyta beesha biimaal meel kasta oo ay joogaan in ay taag yeraan golaha wadatashiga beesha biimaal oo ay garab istaagaan golaha wadatashiga beesha biimaal.oo hadafkoodu yahay in ay u horseedaan sinaan iyo cadaalad in ay kashaqeyaan Isku xerka bulshada awood iyo dhaqaalaba