Dhageyso Axmed Diiriye
Xildhibaan Khaliif Xaaji xasan {Khaliif Goobe }oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomalia mar uu ka jawaab celinayay hadal ka soo yeeray Afahayeenka Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali kaasi oo ahaa mid Afhayeenka ku uu ku eedeyey xildhibanadii gudbiyey moshinka ka dhanka ah madaxweyanaha soomaliya in ay mooshinka dartii ay ku helaan lacago iyo xil waziirnimo.
Xil dhibanku waxa uu sheegay in hadalka afhayeenka waxba uusan ka jirin mooshinkana qalad jira lagu saxayo aysan jirin Xildhinbaano xiligan lacago ku dooneysa mooshinka laga gudbiyey madaxweyanah Soomalia mooshinkana uu ilaa iyo haatan taagan yahay oo aan lasoo celin Karin.
Waa uu sii hadlay xildhibaan Khaliif Xaaji Xasan {Khaliif Goobe} waxa uuna beeniyey in aysan jirin Xildhibaano dib ugu laabtay mooshinka asigoona xusay in ilaa iyo sedex xildhibaan ay arken iyagoo xusaya in ay ka laabten mooshinka balse mooshinka xiligan uusan ka laaban Karin shaqsi ka tirsan mudanayashii gudbiyey mooshinka nadaxweyanah soomalia ka dhanka ah .
jiwaab kulul