Faah-faahindheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dagaal Xooggan oo u dhexeeyay Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo iyo Al-shabaab,kaas oo ka dhacay degaanka Mareereey ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Al-shabaab ayaa Weerar ku soo qaaday Degaanka Mareereey oo Hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Dagaalkaasi ay Guulo ka gaareen Cidamada Milatariga Soomaaliya ee Dagaalka la galay Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa dhankooda Mudo Gacanta ku hayay Degaanka Mareereey ee Gobolka Shabellaha Hoose,inkastoo Xalay dib looga qabsaday.