Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabi Jiray Ammar Cabdiraxmaan (Alle ha naxariistee) oo 17 sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inay waalidkiis ay u direen dalka Soomaaliya si looga badbaadiyo dhibaatada Gaangis Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka halkaas oo uu ku dhashay wiilkaas iyadoona wiilkaas la geeyey xarun koleejo ah oo ku taala magaalada Qardho, Laakiin wiilkaas ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay halkaas iyadoona uu jirkiisa ka muuqday nabaro fool xun oo wiilkaas loo geystay ka hor intuusan geeriyoon.