Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir , ayaa maalintii shalay heshiis nabadeed oo u muuqday mid lagu qasbay oo ay kasoo shaqeeyeen Wadamada dariska la ah Dalkaasi iyo beesha Caalamka waxa uu ku saxiixay Magaalada Jubba.
Heshiiska uu saxiixay Madaxweynaha Koonfurta Sudan ayaa ah mid ladoonayo in lagu soo afjaro colaada sukeeye ee dalkaasi ka aloosan, waxaana munaasabada heshiiskaasi lagu saxiixayay goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Uganda, Madaxweynaha Kenya, R/Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne kuxigeenka Sudan.
Waxaa sidoo kale Munaasabada lagu saxiixayay heshiiska Nabadeed ee Koonfurta Sudan kasoo qeybgalay Wakiilo matalayay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika iyo Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska.
Dhincyada isku hayay Koonfurta Sudan ayaa cadaadis xoogan lagu saaray in ay saxiixaan Heshiiska Nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada sukeeye ee ka aloosan Dalka Sudan mudo ku dhaw labo sanadood, waxaana colaadaasi sababtay in kumanaan qof dhintaan kuwa kalana barakacaan.
Heshiiska lagu qasbay Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir , ayaa waxaa kamid ah in Kooxda Mucaaradka ay qeyb ka noqdaan Dowlada Dalkaasi, Hogaamiyaha Mucaaradka Reik Machar uu noqso Madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Sudan.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ayaa horey ugu hanjabay dhinacyada isku haya Koonfurta Sudan hadii aysan gaarin xal nabdeed ayna saxiiin heeshiiska laga soo shaqeeyay in ay kusoo rogi doonaan cunaqabateyn adag.
Dadka Falanqeeya Siyaasada Koonfurta Sudan ayaa aaminsan in heshiiskan la saxiixay aysan ku filneyn inuu soo afjari doono dagaalka, maadaama xubno katirsan Mucaaradka ay sheegeen inay dagaalka sii wadi doonaan, sidoo kalena dhanka dowlada aysan ku qanacsaneyn heshiiskan oo u muuqda mid lagu qasbay.