Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa shaaciyay in ciidamada AMISOM ay dalka ka baxayaan isla markaana loo baahan yahay inay diyaariyaan ciidamadii Soomaaliyeed kala wareegi lahaa degaanada ay joogaan.
Isagoo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xiray ciidamo milateri ah magaalada Muqdisho wuxuu Jen. C/risaaq Khaliif caddeyay in taliska guud ee Ciidanka milateriga uu diyaarinayo ciidamo kala wareega AMISOM degaanada ay haatan ku sugan yihiin dalka.
Crisaaq Khaliif wuxuu intaas ku daray in in AMISOM mudada ay dalka joogaan Soomaaliya ay ka harsan tahay ayna dalka ka bixi doonaan in sanadka soo socda (2016) dhamaadkiisa.