Nin u dhashay dalka Kuwait oo dalxiis ku jooga dalka Turkiga ayaa iska celiyay, shan iyo toban qof oo dagaal ugu tagay, sida fidiyow la duubay dagaalkaas shan iyo tobanka qof ee Turkiga ah iyo ninkaas carabku muujinayo, ninkan ayaa dukaan uu doonayay inuu ka iibsado biyo, si aan ku talo gal ahayn talaagada ugu duntay ka dibna biyo badani ka daateen oo jajabeen.
Markii uu ka cudur daartay waxa dhacay una sheegay in aanu u kas u samayn, ayaa waxa Bud la dhacay, milkiilihii dukaanka, ka dibna isagoo ka caraysan sababta uu ninkani budka ula dhacay ayaa waxa mar qura ku qamaamay suuqii oo dhan oo waxa lagu asqeeyay feer iyo bud, hasa yeeshee ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Fadil Dabuus oo dadka Muruqyada Dhisa ah ayaa mid mid dhulka u dhigay, Shan iyo Toban qof, waxaanu halkaas ka tagay markii qof la dagaalama uu waayay.