Wararka naga soo gaaray Degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta halkaa ay ku dhufatay Dabeyl Xooggan oo dumisay in kabadan 100 Guri
C/llaahi Maxamed Geelle oo ka mid ah Odayaasha Ceelasha Biyaha ku Nool Gaar ahaan Xaafada Jabad Geelle ayaa sheegay in Dabeyl Xoogan ay ku dhufatay Ceelasha islamarkaana ay dhulka dhigtay in kabadan 100 Guri oo Xaafadasi ku yaallay,waxaana uu intaa ku daray in aysan jirin Wax Khasaaro Nafeed ah oo ay geeysatay.