Soo dhaweynta Gudoomiyaha Degmada Marka Mudane Xasan Cumar Maclin (Shareca) iyo Madaxweynaha Konfur Galbeed Shariif Xasan ayaa maanta soo gaaray Deeganka Ceeljaale ee Duledka Magalada Marka,waxaana ka qeyb qaatay soo dhaweyntoda mas’uuliyiin ka tirsan Mamulkii hore ee Degmada Marka;Mudane Maxamed Cusman Yariisow
Iyo Hogaanka dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada ,kuwaasi oo diyaar garoow xoogan ugu jiray soo dhaweynt Gudoomiyaha Cusub iyo Wafdigiisa
Kumanaan dad shacab ah ayaa lagu arkayey wadooyinka Deeganka Ceeljaale ,waxaana Madaxweyne iyo Gudoomiyaha uu salaan ka qaatay qar ka mid ah ciidanka deeganka oo soo dhaweynta ka qeyb-galay.
Wixii faahin dheeraad ah iyo Sawiro gadaal ayaan idin kaga soo gudbin doonaa Insha’allah.