Wararka aan ka heleyno Shirarka ka socda magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in inta badan Xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka Koonfur galbeed la qeybsaday .
Ilo Xog ogaal ah oo u waramay muurinews.com ayaa sheegaya in tirada guud ee Barlamaanka Koonfur Galbeed laga dhigay 96 Xildhibaan.
Xubnahaan ayaa marka hore loo qeybiyay Gobol Gobol, Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa loo qoondeeyay 36 Xubin halka Baay iyo Bakool loo qoondeeyay min 30 Xubnood, inkastoo laga yaabo is bedel aan buurneyn uu ku yimaado, Tirada guud ee 96-da ah.
36-da kusoo aaday Gobolka Shabeelada hoose ayaa inta badan la qeybiyay, waxaana inoo suura gashay in aan ogaano qaar ka mid ah Beelaha dega Gobolka Sh.hoose tirada kusoo aaday.
Beesha Biimaal ayaa la sheegayaa in Suldaanka Guud ee Beesha Biimaal Ibraahin Cali Xaji aw u soo qaday 10 Xubin, halka Beelaha Tunni, Garre iyo Jiido ay heleen min Sedex Xubin.
Waxaan gadaal idin kaga soo gudbin doonaa Liiska wax qeybsiga Beelaha dega Gobolka Shabeelada hoose oo dhameystiran.