Xaalad deggenaashiyo ayaa saaka oo Arbaco ah laga dareemayaa deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaana lasoo sheegayaa in dadku ay hadal hayaan wixii shalay ka dhacay deegaanka.
Ciidanka Ururka Al Shabaab ayaa waxay shalay weerar culus ku qaadeen Xerada Ciidanka AMISOM ku lahaayeen deegaanka Janaale iyadoo Askar kudhaw 60 Dawlada Ugandha looga dilay weerarkaasi.
Dadka deegaanka Janaale waxay sheegeen in Saaka si tartiib ah usoo laabanayaan ganacsigii iyo isku socodkii dadka.
Waxa dadku ay sheegeen in aad la iskaga wareesanayo wixii shalay ka dhacay Deegaanka Janaale islamarkaana aad ay u adag tahay xog dhameystiran in laga helo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.