Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey ayaa ugu baaqay dadka ka barakacay guryahooda degmada Marka in ay dib ugu soo laabtaan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in in ay jecel yihiin in dadkii ka qaxay guryahooda ay dib ugu soo laabtaan,iskuulada iyo goobaha ganacsiga ee ku xiray dagaaladana dib loo furo.
Gudoomiye xasan Cumar ayaa intaa ku daray in ay rajeynayaan in colaadaha ka dhacay degmada aysan dib u soo laaban.