Warar Hoose oo ay heshay muurinews.com ayaa Sheegaya in Muran Xoogan uu hada ka dhex taagan yahay Dadka Dega gobalada koonfur Galbeed ee Soomaaliya Sida Sh.Hoose,bay iyo Bakool.
Tan iyo Bishii Nov 17, 2014. markii Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Maamulkiisa uu ahaa Baarlamaanka La’aan, sababo la xariira Khilaaf ka taagan qeybsiga Xildhibaanada.
Beelaha deggan Saddexda Gobolka ee Maamulka Koonfur Galbeed oo aad u badan, iyo Tirada Xildhibaanada oo la doonayo inay noqdaan kuwa Yar, ayaa Xaalka ka dhigay “Kaaf-iyo-kala-dheeri,” maadaama Beel kasta ay doonaysaa inay iska dhex-aragto Muraayadda.
Dhowr Jeer ayaa dib u dhac ku yimid Dhisamaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed , waxaana hadda uu sheegayaa Madaxweyne Shariif Xasan in 20-ka Bishan ay ku dhawaaqi doonaan Baarlamaanka, inkastoo Cawashooyin badan jiraan.
C/qaadir Nadaaro, Afhayeenka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi ay noqon doonaan 105 Xildhibaan, waxaana sababto loo badiyay Xildhibaanada ku tilmaamay in lagu qancinayo Beelaha.
IGAD ayaa Cadaadid badan ku saartay Maamulka Koonfur Galbeed inay si Deg Deg usoo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi, maadaama Waqtiga KMG ah wax yar ka dhiman yahay.
Xaalada Cakiran ayaa hada waxaa ay ka dhex taagan tahay Gobalka Sh.Hoose inta uu ku yelan doonan Xildhibaanada 3 gobol sababtoo ah Gobolka shabellaha hoose ayaa waxuu noqday mid ay iska shegtaan cidkas