Sida ay Noo Xaqiijiyeen Dad Gooboogeyaal ee ku sugan degaanka Cambareey ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa halkaa iskaga guuray Ciidamo ka tirsan Midawga Afrika ee AMISOM.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay u dhaqaaqeen Dhinaca Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Degaanka ay ka baxen Ciidamada AMISOM ayaa u dhexeeya Magaalada Buulamareer iyo Degmada Baraawe oo ka wada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Waa goobtii Saddexaad oo Al-shabaab ay la waregeen ee Gobolka Shabeellaha Hoose,tan iyo 1-dii Bishaan oo Al-shabaab ay Weerareen Saldhiga Magaalada Janaale oo Ciidanka Uganda Fariisin u ahaa. iyo dhoor meel oo kale oo ay ka mid tahay Degmada Kuntuwaarey iyo Ceel saliine
Xaalada degmada ayaa hada kacsan,iyadoona laga cabsi qabo in dagaal culus uu ka dhaco.