Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka dalbaday mas’uuliyiintii ka socotay wadamadda deeq bixiya yaasha in ay taageera dheeraad ahi ku bixiyaan dhismaha xarumaha maxkamadaha dalka.
Wasiirada Cadaalada iyo Wasiirka Amniga oo munaasabada goobjoog ka ahaa ayaa dhankooda Midowga yurub uga mahadceliyey dhismaha ay ku sameeyeen xarunta maanta xariga laga jarey.
Sidoo kale,Xubnaha ka socday Beesha caalamka oo ku sugnaa madasha furitaanka Maxkamada gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay xarig ka jarida Maxkamada gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare dalka Ceydiid Cabdilaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in dowlada iyo bulshada soomaaliyeed uu ka codsanayo in ay ilaaliyaan ixtiraamka garsoorka dalka waxa uuna ku celceliyey in ay xilligan Jirto dhaqaale xumo iyo amni darro haysato garsoorayaasha Soomaaliyeed