Inka badan 52 ruux oo ka mid ahaa xujeyda Sanadkan ayaa lasoo warinayaa inay ku geeriyoodeen Magaalada Barakeysan ee Makka al mukarama ka dib markii uu soo go’ay wiish lagu dhisayey Xaramka.
Wiishka ayaa ku dhacay qeyb ka mid ah dhismaha xaramka, waxaa soo dumay dhismaha waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii xajka halkaasi u tagay.
Gaadiidka gurmada ayaa goobta gaaray waxaana la arkayaa gaadiidka oo daabulaya dhaawacyada ku waxyeeloobay shilka.
Weli lama xaqiijin wadamada ay kasoo kala jeedaan dadka ay mashaqadu halkaasi ku haleeshay.