Wararka laga helaayo ilo xogagaal ka tirsanaa wafdigii Madaxweyne Xassan la booqday degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu carro kala duldhacay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed iyo Saraakiisha Ethiopia ka jooga G/Sh/Hoose.
Ilo wareedka ayaa sheegaya in ujeedka ugu weynaa socdaalka Madaxweyne Xassan uu ahaa walaac ka dhashay awoodaha Maleeshiyaadka Al-shabaab oo kusii baahaya G/Sh/Hoose.
Madaxweyne oo kulan la qaatay Shariif Xassan iyo Sargaalka ugu sareeya Ciidamada Ethiopia ka jooga Gobolka ayaa waxa uu kala hadlay 2 arrin oo salka ku heysa awood ballaarsiga Al-shabaab iyo qorshaha Ethiopia oo ah in G/Sh/Hoose ay hantiso amaba ay isku soo koobto.
Madaxweyne Xassan ayaa labadaasi dhinac u sheegay in Dowladu aysan aqbali doonin in la dayaco amaanka Gobolka waxa uuna sheegay inuusan socon doonin qorshaha ah in Ethiopia ay si gaar ah u hantiso Gobolka xili Ciidamada kale ay isaga baxayaan.
Waxa uu sheegay in faarujinta saldhigyada ay tahay mid sabab u ah Maamulka Koonfur galbeed iyo Saraakiisha Ethiopia oo iyagu aan gurmad u sameyn Ciidamada kale ee AMISOM.
Saraakiisha Ethiopia ayuu ku amray in si hufan ay uu gutaan waajibkooda amaba ay dib uga baxaan Gobolka si loo geeyo Ciidamo hana karan amaanka.
Shariif Xassan ayuu sidoo kale ku amray in Ciidamada Maamulka ay sameeyaan roondo iyo Howlgalo aan kala joogsi laheyn si aan fursad loo siin Maleeshiyada Al-shabaab.
Arrintaani ayaa ka danbeysay kadib markii DF Somalia ay garwaaqsatay in Maleeshiyaadka nabadiidka Al-shabaab ay dhowr KM usoo jirsadeen Magaalada Muqdisho taasi oo walaac gaar ah ku abuurtay Xassan Sheekh.
Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ayaan gurmad u fidin Ciidamada kale ee kasoo kala jeeda Brundi iyo Ugandha xiliyada ay la kulmaan weerarada, taasi oo lagu micneeyay in Ethiopia ay dooneyso in Ciidamada kale AMISOM goortii ay la kulmaan cadaadin ay isaga baxaan Saldhigyada si ay iyaga u hantaan.
Dhanka kale, Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa iminka ka arrimisa inkabadan 9 Saldhig oo horay ay uga arimin jireen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.