Wararka aan ka heleyno dalka Sacuudi Carabi ayaa waxa ay sheegayaan in ay soo kordheyso tirada ku dhimatay wiishkii ku soo dumay Masjidka Xaramka ee magaalada Maka.
Inta la xaqiijiyay dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 900 ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen halka 210 lasoo sheegaayo in dhaawac ahaan Isbitaalkaad dakaasi loo geeyay.
Wiish ku soo dumay dadka Xujeyda ah oo cimrada gudanaayay ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u weyn oo lagu dhiso dabaqyada oo waa weyn ee 30 dabaq gaaraya ,waxaana intaasi lagu daray in dabeylo iyo roob ay soo rideen Wiishkaasi.
Illaa iyo hadda sadex qof oo Somali ah ayaa lasoo sheegay in wiishkaasi ay ku dhawaacmeen haddana daaweyn lagu hayo mana la sheegin qof Somaali ah oo illaa iyo hadda ku geeriyootay.