Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia oo gaaray Kismaayo oo ay ka socato xaflada caleemo saarka Axmed Madowe!
Sep 12, 2015 -
Comments off
Wasiirka Arimaha Dibada dalka Ethiopia Dr Tedhros Adhanom, ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose oo ay ka socoto qaban qaabada xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland oo maanta dhaceysa.
Dr. Tedhros, ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo oo maanta martigelinaysa wafuud kala duwan oo ka qaybgalaysa xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.
Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ammaanka iska kaashanaya ciidamada Nabad Suggida Magaalada Kismaayo iyo ciidanka Amisom ee Magaalada jooga.
Masuuliyiin kala duwan ayaa ku sugan Magaalada Kismaayo oo ka qaybgalaya xaflada calemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Xarunta Caymiska Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa inay munaasabada ka dhacdo, halkaasi oo maalmahan dambe aad loo qurxinaayay si munaasabada maanta loogu qabto.