Gaadiidleeyda ka shaqeysa inta u dhaxeeysa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn oo ka wada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa maanta ku dhawaaqay Shaqo Joojin,kadib markii ay soo bateen Isbaarooyin la soo dhigay Wadadaasi.
Guddoomiye Kuxigeenka Dhanka Amniga Degmada Walaweyn Maxamed Cabdi ayaa qiray in ay jiraan Isbaarooyin la soo dhoobay wadada Xariirisa Labadaasi Degmo,kuwaas oo si Sharci daro Lacago looga qaado.
Guddoomiye Kuxigeenka ayaa intaa ku daray in Dhawaan la qaadi doono Isbaarooyinkaasi lagu dhibaateeyo Dadka Shacabka ah ee halkaasi Isticmaala.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay u sheegay inuu wax ka qabanayo Isbaarooyinka,iyadoo ay wali jirto Cabashada ku saabsan Isbaarooyinka.