Waxaa qarax xoogan laga maqlay Xerada ciidanka lagu tababaro ee ku taalla madaxtooyada Jubbaland meel ku dhaw.
Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac uu geystay qaraxaasi.
Ilaa hadda lama ogaan karo khasaaraha inta uu la eg yahay hase ahaatee dadka waxay sheegeen in la xiray waddooyinka soo gala xarunta madaxtooyada Jubbaland.
Wixii faah faahin kasoo kordho qaraxaasi dib kala socda insha allah