Guddoomiyaha Degmada Marka Xasan Cumar Macalin oo la hadlay shabakadamuurinews.comee Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in talaabo cad ay ka qaadi doonaan shaqsiyaad uu ku tilmaamay in ay jidgooyooyin u yaalaa qeybo ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Guddoomiyaha Degmada Marka, Xasan Cumar Macalin ayaa sheegay in go’aankan uu soo baxay Maamulka Magaalada Marka, Odaayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha AMISOM kadib markii kulan ay ku yeesheen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Dhinaca kale, Mudane. Xasan Cumar ayaa carabka ku adkeeyay in amaanka Magaalada Marka uu yahay mid wanaagsan islamarkaan ay ka feejigan yihiin falal amaan dirri oo ka dhacay Degmadaasi.
Waxuu sidoo kale qeexay Mudane Xasan in Maamulka Degmada Marka iyo Shacabka halkaasi ku dhaqan ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan taasi oo suuro gelisay in laga hortago falalka liddiga ku ah amaanka Magaalada Marka.
Degmada Marka ee Gobolka Sh.Hoose ayaa waxaa mararka qarkooda ka dhaca falal amaanka ka liddi ku ah iyadoona halkaasi inta badan lagu weeraro Saraakiisha iyo Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.