Gudoomiyaha Degmada Marka Xasan Cumar Maclin oo meel fagaare ah kula hadlayey manta shacabka degmada Marka,ayaa ka codsaday iney Maamulka kala shaqeeyaan Nabadgelyada iyo xasiloonida si loo helo kala danbeyn iyo amni waara.
Gudoomiyaha oo ka hadlay arrimo badan ayaa si weyn ugu nuux-nuuxsaday arrinta ku aadan Isbaarooyinka, iyo dagaalada qaabaa’ilka
Mudane Xasan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Odayasha dhaqanka oo iska saray xil soo afjarida dagaalladii ku saleysnaa Qabaa’ilka isla markaana waxa uu ku baaqay inta dhiman in la dhameystiro.
Waxaa kale uu sheegay Mudane Xasan in Maamulkiisa qorshayaal wanaagsan u degsan yahay in arrimaha amniga si wax looga qabto arrimaha Isbaarooyinka kuwaasoo ay dadka shacabka ah si weyn uga cabanayaan ee ku nool Degmada Marka iyo kuwa kale gobolka shabeellada hoose.
Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku soo xiray in Gobolka shabeelada hoose cidna aanay u maqneyn oo dadkiisu ay tashanayaan.