Banaanbax ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay Deegaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose kaasi oo dadka la iskugu yeeray inay fagaaraha iskugu yimaadaan.
Saraakiil katirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxay kala hadleen fagaarayaasha shacbaka Janaale iyagoo sheegay inay uyimaadeen sidii loo dabaqi lahaa Shareecada islaamka.
Warbaahinta Shabaabka ayaa waxay soo xiganayeen wariye la shaqeeya kaasi oo labo sano kadib sheegay inuu tagey Janaale islamarkaana ay dadku ku farxeen tegitaanka Al Shabaab deegaankaasi sida uu yiri.
Ururka Al Shabaab mas’uuliyiin katirsan ayaa kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Janaale iyagoo uballan qaaday inay amni heli doonaan dadka deegaankaasi.
Labo maalin k ahor ayey aheyd markii ciidanka Al Shabaab dagaal la’aan kula wareegeen deegaanka Janaale.