Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee maanta Madaxtooyada Magaalada Muqdisho ka furay shirka, ay ku lee yihiin Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Shirkan oo ah mid looga hadlayo hiigsiga sanadka 2016 iyo wixii looga gudbi lahaa, ayaa waxaa Madaxda Somalida ku wehlinaya Wakiilada Beesha Caalamka.
Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlaayay furitanka shirka, ayaa sheegay inuu soo dhawayn doono fekradaha wanaagsan, sidoo kalana ay xalin doonaan wixii lagu kala feker duwanaado.
Wixii aan isku raacno ayaan xambaareynaa, waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa fkaaraha wanaagsan, wixii aan ku kala duwanaano waan xalineynaa, qorshahan Soomaalida ayaa iska leh.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha, ayaa yiri “Haddii ay ceeb ka timaado anaga ayaa ka mas’uul ah, haddii lagu guuleysto anaga ayaa iska leh, marka saaxiibadeena caalamka waxaan uga baahanahay inay nagu taageeraan qorshahan aan wadno, shirka wada tashiga qaran wuu noo furanyahay.”
Waxaa la go’aamiyay wada tashigan uu yahay mid Soomaalidu ay leedahay, madaxda ayaana go’aamo ka gaaraya arrintan, doorka beesha caalamkuna waxa ay tahay in ay xagga dhaqaalaha naga caawiyaan, marka uu qorshahan noo dhamaado talllooyinka dadweynaha ayaa la soo uruurin doonaa, Somaliya maanta gacmaha ayay is heysataa, waxaana la soo saarayaa gole arrinta hogaamin doono.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.