Siminaarkan ayaa waxaa lagu qabtey Xarunta Jaamacada Jubbada sare Ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay , iyadoo ay Casharo ka bixinayeen Macalimiinta Jaamacada Upper Jubba Sida Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar , Dr.Xasan Ismaciil Baashaa iyo Prof Abbu , taasoo ay soo qaban qaabiyeen Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Muumulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Beeraleyda siminaar u socdey ayaa wasaarada Beeraha iyo Waraabka Gudoonsiisey Shahaadooyin lagu aqoonsaney Beerahooda .