Ciidamada Ururka Midowga Africa ee ku sugnaa magaalada Marko ayaa waxaa loo malaynayaa inay magaaladaasi uga baxeen si banaanbax ah oo ay ku muujinayaa dhaqaalo xumada la soo gudboonatay Ciidamada Midowga Africa ee Amisom.
Madaxda Amisom ee ka qaybgalay shirkii Ururweyniha midowga Afrika ee lagu qabtay magaalada Adiss-abeba ayay ku muujiyeen heerka uu marayo dhaqaalaha iyo saanadda ay haystaan Ciidamadooda.
Madaxdan ayaa muujiyay in Ciidamada nabad ilaalinta Amisom ay u baahanyihiin dhaqaale, hub iyo Ciidamo dheeri ah hadii bey yraahdeen la doonayo in Ururka Al Shabaab laga Tirtiro dalka Soomaaliya inta aan la gaarin doorashooyinka dalka ka dhici doona Horaanta Bisha Septemper.
Hogaanka Amisom ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin sababta dhabta ah ee ka danbeysa ka soo bixitaankooda magaalo xeebedka Marka.