Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adam iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Madaxweyne Shariif Xassan ayaa waxa uu halkaasi kulan kula qaatay Madaxda Dowlada Ethiopia oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Ethiopa Tedros Adhanom.
Shariif Xassan iyo Wasiir Tedros Adhanom, ayaa kawada hadlay Xaalada Somalia, Tan Koonfur Galbeed, Doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan Somalia, Muranka ka taagan qaadashada 4.5 , is kaashiga labada dhinac iyo arrimo kale.
Shariif Xassan ayaa Wasiirka u sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu taageersan yahay qaabka ay iminka Dowlada Somalia wax u wado, waxa uuna sheegay in Koonfur Galbeed ay Mowqifkeeda u sheegtay Beesha Caalamka, iminka ay u diyaar garoobeyso garabsiinta Dowlada Somalia.
Shariif waxa uu sheegay in Koonfur Galbeed ay xasaasi ka qabto in xiligaani ay mucaarado hanaanka ay wax u wado Dowlada Somalia, waxa uuna cadeeyay in Maamulkiisa uu ka fogaanaayo in Somalia uu u horseedo dhibaato Siyaasadeed.
Mar wax laga weydiiyay sida uu u arko Mowqifka Puntland ayuu sheegay in Puntland ay iyada u madaxbanaan tahay ra’yigeeda balse Koonfur Galbeed ay jeclaan lahey in la eego wakhtiga lagu jiro oo aan dalka loo horseedin dhibaato, isaga oo ku taliyay in Puntland ay wax la qeybsato Maamulada dhigeeda ah iyo Dowlada.
Sidoo kale, Shariif Xassan ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda uga mahadceliyey sida ay Somalia uga taageertey la dagaalanka maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana uu ka codsadey, in kor loo qaado taageerada dhanka Mileteri ee Somalia.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Tedros Adhanom ayaa dhankiisa sheegay in Itoobiya ay kas go’an tahay taageerada Soomaaliya, si loo helo nabad iyo deganaansho.
Shariif Xassan ayaa horey u taageeray go’aankii Dowladda Federaalku ka gaartey nidaamka doorashooyinka, inkasta oo baarlamaanka maamulkaasi uu ka horyimid taageerada Shariif Xasan.