Qaraxan oo ahaa bambaanada nuuca gacanta laga tuuro ayaa Kooxo hubeysan waxey ku weerareen Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Muqdisho oo ku sugnaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Ugu yaraan labo Ruux uu midi Askari ahaa ayaa dhintay, mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Qaraxaasi ka dhacay bartamaha Degmada Marka oo qiyaas ahaan 110Km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.
Goobjooge la hadlay Muurinews.com ayaa sheegay in Qaraxa kadib Ciidamada Dowladda Xasan Shekh ay rasaas xoogan dhinacyada u fureen taasi oo iyana ka dhalatay khasaaro, inkastoo aan weli la cayimin.
Kooxaha bam gacameedkaasi ku weeraray Ciidamada Dowladda Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in ay goobta isaga baxsadeen.
Ilaa iyo hadda majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Deegaanka iyo Maamulka Degmada Marka oo ku aadan Qaraxaasi ka dhacay Xarunta Gobolka Sh.Hoose.