Wararka ka imaanay Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in Dhaq dhaqaayo cidan ay ka jiraan halkaasi kuwaas o lagu doonayo in Godoominta looga saaro Degmadaasi.
Ciidamo isugu jira kuwa Dowlada Soomaaliya Maamulka K/galbeed iyo Ciidamada AMISOM Ayaa halkaasi buux dhaafiyey.
Ururka Al-Shabaab ayaa dhan kooda Dhaq dhaqaaqyo wada iyagoo u diyaar garoowaya dagaal ay lagalaan dhinacyada gulufka colaadeed ku soo ah.
Degmada waajid Ee Gobolka Bakool ayaa Shabaab waxaa ay horey ugu saareen Godoomin iyagoona dadka degmadaasi u diiday in ay helaan gargaar beni aadan nimo.
Dadka ku dhaqan Waajid ayaa wakaalada wararka Ee Muurinews.com waxaa ay u sheegeen in Degmadooda ay hada la ciir cireeyso Ciidamo farabadan oo loo diyaariyey in ay shabaab la dagaalamaan.
Wixii ku soo kordha Isha ku haay Halkan Insha allah