Wararka Ka imaanaya Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan lagu magacaabo Sedimo oo Qiyastii 50KM ujirta Magaaladaasi ay Duqeyn Ka geesteen Ciidamda Kenya.
Saraakiil Katirsan Ciidamada Maamulka KMG Jubba ayaa warbaahinta u xaqiijiyeen in Duqeyntaasi lagu dilay Sargaal Sarre oo katirsan Kooxda Al-Shabaab una qaabilsanaan Dhinaca Miinooyinka.
Sargaalka Shabaab laga Dilay ayaa waxaa lagu sheegay Magaciisa Macalin Shariif kaas oo inta badan shabaab ka saacdi jiray qaraxyada iyo miinooyinka lala bartilmaamed sado Saraakiish Dowlada Kuwa Maamulka KMG Jubba iyo Ciidamada AMISOM.