Dowladda Kenya ayaa si fool xun ula dhaqantay wafdi uu hogaaminayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kadib markii la xayiray oo laga qaaday baasaboorka.
Afar saacadood ayaa lagu heystay Garoonka Ra’iisal wasaaraha iyo wasiiro, halka xildhibaano iyo dad kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne oo sheegay in ilaa caawa laga heysto baasabooradii weliba ay garoonka ku sugan yihiin.