Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta Weeraray Degmada Shalanbood ee Gobolka Sh/Hoose, waxayna halkaasi heysteen muddo saacado ah.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa markii dambe Al-Shabaab ka saaray degmada Shalanbood ee Gobolka Sh/Hoose.
Wararka aan ka heleyno Degmada Shalanbood ayaa sheegaya in Weeraro gaadmo ah ay weli ku soo qaadayaan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay saacado koban qabsadeen Degmada Shalanbood.
Waxa uu sidoo kale sheegay aysan jirin wax dagaal ah oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Degmada Shalanbood.
Al-Shabaab ayaa ka taliyo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sh/Hoose, waxayna dagaalo gaadmo ah ku soo qaadaan deegano kale oo ka tirsan gobolka.
Sidoo kale dhawaan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay dagaal ku soo qaadeen tuulooyin hoos taga Degmada