Gudiga doorashooyinka madaxtinimada dalka Uganda ayaa sheegay in uu si weyn ugu horreeyo codadka ilaa iyo iminka la tiriyey madaxweyne Yweri Museveni, taasoo wadada usii xaareysa inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha.
Mr. Museveni ayaa ku hogaaminaya cod bixinta doorashadi dhacday Khamiistii ilaa iyo 63 boqolkiisa halka hogaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye uu heysto ilaa iyo iminka 33%.
Maanta ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo natiijada doorashada, waxaana dadka reer Uganda ay aad u saadaalinayaan in doorashada uu cod aqlabiyad leh ku heli