Nin hubeesan ayaa weerar uu dhoor qof uu ku dilay waxa uu ka fuliyay goobo kala gadisan oo katirsan magaalada Kalamazoo ee Gobolka Machigan ee dalka Mareykanka .
Inta la xaqiijiyay toogashada uu ninkan hubeesan geestay waxaa ku dhintay lix qof uu ku jiro wiil sideed sano jir ah, waxaa sidoo kale ku dhaawcamay dhoor qof oo kale kuwaa oo qaarkood xaaladooda halis tahay.
Toogashada uu ninkan geestay ayaa ka kala dhacday maqaayad kutaala magaalada Kalamazoo , halkaas uu ku dilay afar ruux , waxa uu sidoo kale ninkan hubeesan labo qof kale ku dilay goob gawaarida lagu iibiyo oo isla magaaladan kutaala.
Ciidamada booliiska ayaa xaqijiyay in ninkii ka dambeeyay toogashada gacanta lagu dhigay , waxa ayna ciidamada booliiska sheegeen in la baarayo shaqsiga ruuxa toogashada geestay iyo sababta ka dambeysay toogashadan.
Dalka Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay toogashada ay geestaan kooxaha kala duwan ay ku jiraan kooxaha cunsuriyiinta ah, waxaana inta badan sabab looga dhigaa dhacdooyinkan hubka oon sharci adag laga soo saarin heesashadiisa.