Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa daboolka ka qaaday in shirka Turkiga uga furmaayo Soomaalida ay ka qaadan doonaan kaalintooda, balse haddii ay ka waayan maqaamkooda ay isaga soo bixi doonaan.
C/wali Gaas waxa uu sheegay in Puntland aysan ahmiyad u arag shirka ka furmaaya dalka Turkiga balse ay diideyso in caalamka ay ku dhaliilaan ka qeybgal la’aanta shirka ay ku mideysan yihiin Soomaalida.
Gaas waxa uu tilmaamay in arrimaha shirkaasi looga hadlaayo ay yihiin kaliya wixii looga hadlaayay shirarkii ka kala dhacay Muqdisho iyo Kismaayo, taasina ay tahay mid aan muujineynin isbedel muuqda.
Waxa uu cadeeyay in shir waliba oo loo qabto Somalia ay mar waliba Puntland taagan tahay mowqifkeeda, taasi oo uu ula jeedo in maamulkiisa uu kala sooci doono shirka iyo mowqifka ay ka taagan yihiin 4.5.
”Waxaan u arkaa in shirka Turkiga uu yahay mid madadaalo ah, u jeedka waxa uu yahay in Puntland lagu raali galiyo 4.5 balse taasi kuma jirto gorgortanka haddii aan maslaxadeena ka weyno shirka waan isaga soo bixi doonaa”
Madaxweyne Gaas waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay ka go’an tahay in shirkaasi ay isaga soo baxaan haddii ay u muuqan weydo maslaxadooda.
Ujeedka ay Dowlada Turkiga u qabaneyso shirka ayaa ah in Soomaalida ay xal ka gaaran khilaafyada hareereyay mid Dowlad ilaa iyo maamul goboleedyo.
Haddalka C/wali Gaas ayaa dhaawac ku noqonaaya Beesha Caalamka iyo Dowlada Turkiga oo ku jahwareersan xaalada murugeysan ee Somalia.