Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka oo maanta howlgal gaar ah ka fuliyay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa gacanta kusoo dhigay Horjooge katirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo la sheegay in uu degnaa Hotel kuyaala Suuqa.
Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa sheegtay in Hotelka Golden ee Suuqa Bakaaraha ay kasoo qabteen horjooge katirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo Hay’adu sheegtay in uu kamid ahaa xubno la baadi goobayay horeyna madaxiisa lacag loo dul dhigay.
Horjoogahan la sheegay in uu katirsanaa Al-Shabaab ayaan lasoo bandhigin sawirkiisa iyo magaciisa, waxa ayna Saraakiisha Nabad Sugida sheegeen in dhawaan lasoo bandhigi doono Sawirka iyo magaca Horjoogahan katirsan Al-Shabaab.
Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ayaa maalmahan xoojiyay howlagalada ay kawadaan magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada howlgaladan kusoo qab qabteen xubno lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin dagaalyahandaa Al-Shabaab.