Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobalka shabeelaha dhaxe waxaa haalkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo dhex maray Alshabaab & Ciidanka Amisom.
Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Deegaanka Biyo cade kadib markii shabaab wadada u galeen Ciidamada AMISOM oo doonaaye in ay gaaraan Degmada Mahadaay Ee isla Gobolkaasi.
Al-Shabaab ayaa waxaa ay warbaahintooda ku qoreen in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen oo ay gubeen Gaari ay wateen Ciidamada AMISOM.
Maamulka Gobolka Sh/Dhexe iyo kan Degaanka Biyo cade Weli kama aysan hadlin Dagaalkaasi lagu qaaday Ciidamada AMISOM Ee Halkaasi ku sugan.