Shirka mudada labada maalin ka socday dalka Turkiga ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah, wallow aan wali lasoo bandhin war murtiyadeedka kasoo baxay shirkaasi.
Shirka oo ay ka qeyb galeen 54 wadan wakiilo ka socday iyo 11 ururo caalami ah ayaa waxaa shir gudoominayay madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Turkiga iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuuna ahaa shirkii seddex oo heerkaasi ah oo madaxweyne Erdogan uu abaabulo.
Shirkaasi oo siyaasada looga hadlayay marka laga soo tago waxaa barbar socday shirar kale oo loo qabtay haweenka, Dhalinyarada iyo arimaha amaanka dalka Soomaaliya, sida war murtiyadeedka lagu sheegay.
Qodobka afaraad ee warmutayeedka ayaa lagu sheegay in dowladaha ka qeyb galay shirkaasi ay ogsoon yihiin in doorasho qof iyo codkiisa ka dhici karin Soomaaliya, balse ay taageersan yihiin go’aankii dowlada ay soo saartay ee looga hadlay nooca doorasho ee ka dhaceyso Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa war murtiyadeedka lagu sheegay in qorshaha muhiimsan tahay in sanadka 2020 ka dhacdo Soomaaliya doorasho xalaal ah oo dadka ay dooranayaan hogaankooda.
Waxaa mahad celin loogu jeediyay ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya guulaha ay ka gaareen arimaha amaanka dalka Soomaaliya iyo deegaanada ay ka saareen Alshabaab.