Warar Cusub ayaa kasoo baxaya Haweenkii Soomaaliyeed ee laga iibiyay Dowlada Sacuudiga si ay u noqdaaan Adeegto ama jaariyad waxaana durbadiiba dowlada sacuudiga ay bilawday howlgalinta dumarkaasi.
Haweenkaasi Soomaaliyeed ee uu M/weyne Xasan Sheekh ka iibsaday dalka Sacuudiga ayaa waxa ay ka howlgali doonaan Guryaha, Xafiisyada iyo goobaha ganacsiga dalka Sacuudiga.
Ujeedka dumarkaani looga kaxeeyay Somalia, ayaa ah in kaliya ay nadiifiyaan guryaha iyo goobaha ay xukuumadu leedahay.
Dowlada Sacuudiga ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay ku tumato xuquuqda dadka shaqaalaha ah, iyadoo ay dhacdo in xiliyada qaar ay ku shaqeystaan kadibna ay u diidaan xuquuqdii ay lahaayen.
Wakhtigii Dowlada Maxamed Siyaa Barre, ayaa waxaa xusid mudan in caalamka uu mamnuuc ka ahaa in gabar Soomaaliyeed loo adeegsado qaab shaqaale nimo.