Maanta waxaa lagu wadaa in Magaalada Istanbuul ee Wadanka Turkiga in lagu soo gaba gabeeyo Shirka Madasha 6-aad ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u dhexeeya ee halkaasi Shalay ka furmay.
Shirka ayaa la filayaa in Maanta laga soo saaro War-murtiyeed ku aadan waxii ay ku heshiiyeen Madaxda ka qeyb galeysa.
Dhanka kale Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Shirka Istanbuul ka socda ay ka qeyb galeyso Puntland islamarkaana Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah Ee Puntland uu Shirka Joogo.
War ka soo baxay Puntland ayaa shalay lagu sheegay in Shirkaasi uu yahay mid lagu Marin habaabinayo Ummadda Soomaaliyeed.