Maamulka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dib u dhis waxa ay ku sameeyeen Buundada Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay jareen xiligii ay weerarka ku qaadayeen Ciidamada AMISOM oo halkaasi ku sugnaa.
Buundada Janaale ayaa qeybo muhiim ah laga jaray Xiligii Al-Shabaab ay la wareegayeen saldhiga ay Ciidamada AMISOM ay halkaasi ku lahaayeen, si ay u jaraan gurmad Ciidamada AMISOM uga yimaada Degmada Qoryooley.
Al-Shabaab ayaa dib u dhis ku sameeyay Buundada Janaale ay ku adkeed in ay maraan gaadiidka, waxaana dhawaan lasoo gabo gabeeyay dib u dhis lagu sameeyay Buundadaasi oo hada la sheegay in ay mari karaan gaadiidka .